Garoowe waxaa ka furmaya shir loogu magac daray wada tashiga puntalnd,kaas oo la shaaciyay in loga hadli doono aayaha degaanda maamulkaas.
Shirkaas waxaa ka qeyb galaya xubno ay ka mid yihiin wasiirka Arimaha dibada soomaliya,xildhibano labada aqal iyo siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.
puntland ayaa horay uga dhawaajisay in shirkaan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada degaanda maamulkaas,islamarkana diirada lagu saari doono isbadal in lagu soo dabaalo degaanada maamulkaas.
waxaa jira wal wal badan oo shirkaa laga qabo,sababtuna waxa ay tahay khilaafka dowladda fs iyo maamulkaas ka dhex jira,siyaasiyinta qaar ayaa qaba aragtida ah in shirkaas aan looga hadli doonin in xal laga gaaro khilaafka puntland iyo dowladda dhexe.
taa badalkeedana waxaa looga hadli doonaa in aragti mideysan laga qaato sida dadka qaar ay qabaan khilaafka labada dhinac ka dhexeeya,iyadoo maamulada puntland iyo jubballand ay yihiin caqabda kaliya ee ku hor gudban dowladda fs.
Tani waxa ay horseedeysaa in shaki la galiyo hanaanka doorasho ee dalka,marba hadii aan laga hishiin khilaafka maamul gobaleedyada iyo dowladda fs.
Dhanka dowladda fs marka aan eegno uma muuqato mid raadineysa xalka dalka iyo in laga gudbo khilaafka soo jiitamayay wax ka badan sand,hadaba su,aasha la is weydiinayo ayaa ah puntland,jubballand,iyo dowladda fs maxey tahay danta ugu jirta in khilaafkaas aan xal laga gaarin?
Aragtida aan qabo ayaa ah in dalkaan aysan jirin cid u damqata,taa badalkeedana qof waliba uu fiirsado maslaxadiisa gaar ah,dani uguma jirto bulshada soomaaliyed in dalka uu sidaan ahaado,khilaaf joogta ah iyo in aragti mideysan aan laga qaadan sidii dalkaan uu ula tartami lahaa dalalka dariska ah.
Dal aan laheyn Cid umaqan una naxda kana fikirta horu socodkiisa Alle unbaan raja ka sugeynaa